Wararka suuqa kala iibsiga
Arsenal ayaa hadda laga filayaa in ay jawaab ka qaadan doonto dalabka 60 ka milyan ee gini ah ee ay Man City ka gudbisay Alexis Sanchez iyada oo kala dooranaysa in Sanchez ay hadda ku iibiso lacag 60 milyan oo gini ah iyo in 11 bilood kadib ay si xor ah ugu waydo isla Manchester City. Heshiiskasta oo Thomas Lemar lagula soo wareegayo waxaa dhibaato wayn ku ah in uu caawa u ciyaarayo xulka qarankiisa France ee kulanka isreeb reebka koobka aduunka ee ay Holland ka hor imanayaan, wuxuuna heshiiska Lemar ee socon waayay ee Arsenal uu saamayn xoogan ku yeelanayaa in Sanchez uu baxo.